Breaking News

🚨 πŽπ…π…πˆπ‚πˆπ€π‹: Riyad Mahrez leaves Man City and joins Saudi side Al Ahli on £30m deal πŸŸ’πŸ‡ΈπŸ‡¦

 


πŸ”΄Breaking news 

Mahrez ayaa la siiyay ogolaansho uu ku seego safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee City ee Japan iyo South Korea si uu u soo gabagabeeyo tallabada.

32 jirka garabka ka ciyaara ee Algeria ayaa haatan qandaraas seddex sanno ah u saxiixay kooxda ka dhisan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.


Tan iyo markii uu Man City u saxiixay 2018 kana soo biiray Leicester, Mahrez wuxuu kula guuleystay Manchester City afar koob oo Premier League ah, labo FA Cup, seddex Carabao Cup iyo Champions League.

Waxa uu Etihad ku yimid xagaagii 2018 markaas oo uu ku soo iibsaday rikoorka kooxda ee 60 milyan ginni ka dib markii uu door wax ku ool ah ka qaatay xilli ciyaareedkii ku guuleysiga horyaalka Premier League ee Leicester xilli ciyaareedkii 2015/16.





"Inaan u ciyaaro Manchester City waxay ahayd sharaf iyo mudnaan," ayuu yiri Mahrez, kaasoo u dabaaldegi doona dhalashadiisa 33-aad ee bisha soo socota ee February.


“Waxaan u imid City inaan koobab ku guuleysto oo aan ku raaxaysto kubadeyda, waxaana ku guuleystay waxaas oo dhan iyo wax ka badan.


Waxa aan kooxdan kubbada cagta la soo qaatay shan sano oo aan la ilaawi karin, anigoo la shaqaynaya ciyaartoy aan la rumaysan karin, taageereyaal cajiib ah, iyo maamulaha ugu fiican adduunka.

“Waxaan sameeyay xusuus cajiib ah iyo qaabkii aan ugu guuleysanay horyaalka ween ee Premier League iyo dagaaladii aan la galnay Liverpool, sanadkii hore, Arsenal, waxaan hoosta ka xariiqay rabitaankeena wadajirka ah iyo maskaxdeena inaan noqono kuwa ugu fiican.

Kyle Walker iyo Bernardo Silva sidoo kale lala xiriirinayaa in ey baxayaan inta uu san suuqa xermin.


By Jabriil Omar πŸ“

No comments